Muqdisho (Sh M Network)–Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ee dowlada soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa la sheegayaa in uu ku tilaabsaday go’aan uu ku joojinayo shaqooyinka wax loogu qabanayo dalka Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda.

Saalax Axmed ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay barnaamijka loogu talagalay tayaynta shaqada dowladda kaasoo loo yaqaano Capacity Injection Programme – CIP oo uu ku taageero bankiga adduunka dowladda federaalka si loo tayeeyo waxqabadka dowladda.

Cadeymo ay heshay idaacada Shabelle ayaa tilmaamaya in Saalax Axmed Jaamac uu ku wargeliyay masuuliyiinta barnaamijka CIP in ay Wasaarada Shaqada hakisay gabi ahaanba ayadoo aan wax sabab ah loo sameynin.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeen in Saalax Axmed Jaamac uu doonayo in uu culeys ku saaro masuuliyiinta maamula barnaamijka CIP iyo World Bank in asaga loo ogolaado in loo shaqaaleysiiyo dad isaga u gaar ah oo ay heyb ahaan isku beel yihiin.

Barnaamijka CIP ee World Bank ayaa ku howlan dowladda u shaqaaleysiiyo shaqsiyaad aqoon leh oo xirfad wanaagsan si adeegyo tayaysan loogu qabto dadka Soomaaliyeed. Balse Saalax Axmed ayaa dhaliiyaya barnaamijka si cadaadis ugu saaro CIP in ay u shaqaaleysiiyaan shaqsiyaad uu asaga wato.

Arrintaan uu ku dhaqaaqay Wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa ah mid si weyn uga hor imaanayso dadaalka ay ugu jiraan masuuliyiinta sare ee dalka ee doonaya in ay kula dagaalamaan musuq-maasuqa iyo maamul xumada.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here