Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya oo Musuqmaasuq lagu eedeeyay.

0

Muqdisho ( Sh.M.Network)-Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac  ayaa lagu eedeeyay in uu is hortaagay Shaqooyin wax looga qabanayo arrimaha Dalka.

Mr Saalax Axmed Jaamac ayaa la sheegay in uu hakiyay Barnaamij lagu Tayeynayay shaqooyinka Dowladda Soomaaliya, kaas oo uu taageerayay Bank-Adduunka.

Waxaana Barnaamijkaas la filayay in lagu tayeeyo shaqooyinka Dowladda uu Wasiir Saalax Axmed Jaamac hakiyay sabab la’aan.

Tallaabadaan ayaa la sheegay in uu u sameeyay si loogu Ogolaado dad ay isku heyb yihiin oo hey’adda Barnaamijkaasi lagu tayeynayo shaqooyinka dowladda wada ka rabo in ay u shaqaaleysiiso.

Cabdinuur Jaamac Jookar oo la soo shaqeeyay Dowladihii dalka soo maray ayaa hoosta ka xariiqay in  Musuqmaasuq uu xilligaan Ragaadiyay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Lacagaha Kaararka loogu sameeyo shaqaalaha dowladda aysan ku dhicin Qasnadda Dowladda oo ay gacan bidixeeyaan Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Cabdinuur Jaamac Jookar ayaa cadeeyay in iminka Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac uu wado qorsho uu ku soo dhaweysanayo Shaqsiyaad ay isku heyb yihiin kuwaas oo uu ka shaqaaleysiinayo Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

 

La wadaag

Fikirad Lagama Dhiibanin

Fadlan Fikiraada Saliimka ka dhiibo