Muqdisho (Sh M Network)—Wsiirkas Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow), ayaa shaaciyay in kumanaan Arday ah ay u fariisan doonaan Imtaxaanaadka Iskuulada.

Wasiir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow) ayaa sheegay in 23 Kun oo Arday ay geli doonaan Imtaxaanadka islamarkaana lagu qaban doono 77 goob oo ay jiraan Magaallooyinka Maamul Goboleedyad.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tibaaxay in Madaxda Dalka ay booqan doonaan halka lagu qabanayo Imtaxaanaadkaasi.

Sikastaba, maalinta barito ah ayaa lagu wadaa in Kumanaankaasi Arday ay u fariistaan Imtaxaanaadka Iskuulaadka.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here