Berbera ( Sh. M. Network)-Dabka ayaa xalay ka kacay qeyb ka mid ah dekedda magaalada Berbera, gaar ahaan halka la dhigo Kunteenarada, kaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed, waxaana uu baabi’iyey sida la sheegay kunteenaro ay ku jireen alaabo kala duwan oo laga soo dajiyey dekeddaasi.

Dabka qabsaday dekedda Berbera ayaa la sheegay in damintiisu ay qaadatay mudo Seddex saacadood ah, islamarkaaana markii danbe lagu guuleystay in la bakhtiijiyo dabkaasi.

Maareeyaha dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir oo warbaaahinta la hadlay ayaa sheegay dadaalo baadan kadib in ay ku guuleysteen daminta dabka ka kacay dekedda magaalaada Berbera, waxaana uu shaaca ka qaaday in khasaare xooggan uu geystay, hayeeshee ay baari doonaan waxa keenay dabkaasi.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Kunteenar ay ku jirtay Kiimakada laga sameeyo Oomada, waxaana wali socda Baaritaan ku aadan arrintaas, si loo ogaado waxa dhaliyey dabka oo geystay khasaare hantiyadeed.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here