Muqdisho ( Sh. M. Network)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Islow ayaa Shir Jara’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho waxa uu shaaca uga qaaday in Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir Cabdiwaaxid Khaliif Axmed ( Ciise Tarabuun).

Mr Islow ayaa sheegay  in Howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho ay sii socon doonaan islamarkaana ay ku daba jiraan xubno kale oo ka tirsan  Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa indhawaanahaan Muqdisho ka waday howlgal ay ugu Magac dartay Xasilinta Caasimadda Muqdisho.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here