Baladweyne (Sh M Network)—Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ay ku dileen ganacsade caan ahaa.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cismaan Muumin ayaa dabley ku hubeysnaa bistoolado waxey ku dhex toogteen goobtiisa ganacsi oo ku taalla Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Baladweyne.

Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska ee Degmada Baladweyne, Nuur Xasan Bidaar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dilkaasi uu ka dhacay Magaalada Baladweyne.

Taliyaha ayaa waxuu tilmaamay in ay socdaan howlgallo baaritaano ah, islamarkaana waxuu qeexay in gacanta lagu soo dhigi doono raggii ka dambeeyay falkaasi dilka ahaa.

Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Dilkii ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here