Muqdisho ( Sh.M.Network)-Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay Bartamaha Laamiga u dhow xarunta degmada Wadajir , halkaas oo ka tirsan Suuqa Weyn , waxaana lagu soo beegay xilli halkaasi Saxmadeedu aad u badan tahay .

Khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray Dad Rayid ah oo ka dukaameysanayay Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Dhaawacyo badan ayaa haatan loo dabulayaa xarumaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa wararka qaar sheegayaan in loo adeegsaday Gaari siday Moos oo nuuciisu yahay DYNA.

Waxaana lagu soo warramayaa in Burbur xoogan uu u geystay xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Warar ayaa sheegaya in uu ku dhaawacmay Qaraxa lagu weeraray Xarunta degmadaWadajir Guddoomiyaha Maamulka degmadaasi Cabdulaahi Cumar Qasaaro.

Hase ahaatee ma jiro ilo rasmi ah oo xaqiijinaya dhaawaca Guddoomiyaha degmada Wadajir ee ka soo gaaray Qaraxaasi.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here