Muqdisho ( Sh. M. Network)-Maxamed Abuukar Ducaale Islow  Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya oo kulan deg deg ah la qaatay Saraakiisha laamaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya kaas oo looga hadlayay Amniga Magaalada Muqdisho , ayaa sheegay in Laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen Madaxii Amniyaadka Xarakada Al Shabaab ee Gobolka Banaadir Cabdiwaaxid Khaliif Axmed ( Ciise Tarabuun).

Wasiirka Amniga ayaa u Mahad celiyay Ciidamada Ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya , isagoona xusay in lagu soo qabtay Madaxii Amniyaadka Al Shabaab howlgal ay Ciidamadu ka sameeyeen Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday Xirnaashaha qaar ka mid ah Waddooyinka kuwaas oo la dhigay Dhagxaan , isagoona u sababeeyay in ay tahay qorsho lagu badbaadinayo  shacabka ku nool Caasimadda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa intaas ku daray in Waddooyinkaasi ay xirnaan doonaan muddo kooban sidaas daraadeed ayuu ka codsaday Shacabka Muqdisho in dulqaad ay muujiyaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dagaalyahanada Al Shabaab ee ku aadan Warka ka soo baxay Wasiirka Amniga Soomaaliya ee ku aadan in dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here