Dubai ( Sh. M. Network)-Urur la yiraahdo Al Kheyl ee ka dhisan Dalka isutagga Imaaraatka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai  ayaa sheegay in Ololo samafal oo ay ugu tala galeen Caruurta Agoonta Soomaaliyeed iyo kuwa kale ee Qoysaskoodu ka soo carareen Abaaraha ay ugu uruuriyeen lacago badan.

Ololahaan oo ay ugu Magac dareen Caruurta Soomaaliyeed ayaa waxa Ururkani sheegay in ay ku aruuriyeen lacag dhan 57 kun oo Dirham.

Sidoo kale Ololahaan ayaa qeyb ka ahaa Ololo ballaaran Oo dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay ka hirgalisay dalkeeda ee loogu Magac daray Soomaalida Dartood kaas oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Dalkaas Sheekh  Khaliifah Bin Zayid Al Nahyaan.

Arrimahaan oo dhan ayaa Imaaraatku sheegeen in ay uga golleeyihin sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here