London ( Sh. M. Network)-Muslimiinta ku nool Magaalada London ee Carriga Ingiriiska ayaa walaac xoogan waxa ay ka muujinayaan  Weeraro kaga yimaada Dadka Cadaanka ah ee Xag Jirka ah.

Cadaanka Xag Jirka ah ayaa laga cabsi qabaa in weeraro ay doonayaan in ay Aargoosi kaga dhigaan weeraradii Argagixiso ee ka dhacay dalkaasi Ingiriiska ay ku qaadaan Muslimiinta ku nool Waqooyiga London oo ay ka mid yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka hortageysa falal kale oo weeraro  Aargoosi ah oo ka dhan ah Musliimiibta Dalkaas.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa kadib weerar  Gaari xamuul ah loo adeegsaday oo lagu qaaday Masjid ku yaalla Magaalada London.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here