Boosaaso ( Sh. M. Network)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku soo warramaya in Dabley hubeysan ay Nin Ganacsade ahaa ku dileen Bartamaha Magaaladaasi.

Dilka ayaa la sheegay in ay geysteen  2 Nin oo Bastoolado ku hubeysnaa kuwaas oo dilka kadib meesha wax ka dhaceen isaga baxsaday.

Goob Joogayaal ayaa Shabelle u sheegay in dilka uu ka dhacay Suuqa Caanaha oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Ma cadda sababta ka dambeysay dilka Ganacsadahaasi iyo cidda geysatay waxaana meesha wax ka dhaceen tagay Ciidamo kuwa Ammaanka Maamulka Puntland ka tirsan.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here