Muqdisho ( Sh.M.Network)-Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhintay , Tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen Qaraxii Ismiidaamin ee maanta ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay xarunta degmada Wadajir , halkaas oo u dhow Suuqa Weyn  iyadoo lagu soo beegay xilli halkaasi Saxmadeedu aad u badan tahay .

Khasaaraha ugu badan ayaa soo gaaray Dad Rayid ah oo ka dukaameysanayay Suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Dhaawacyo badan ayaa haatan loo dabulayaa xarumaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa wararka qaar sheegayaan in loo adeegsaday Gaari siday Moos oo nuuciisu yahay Caasi ama Homey.

Waxaana lagu soo warramayaa in Burbur xoogan uu u geystay xarunta degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Warar ayaa sheegaya in uu ku dhaawacmay Qaraxa lagu weeraray Xarunta degmadaWadajir Guddoomiyaha Maamulka degmadaasi Cabdulaahi Cumar Khasaaro.

Hase ahaatee ma jiro ilo rasmi ah oo xaqiijinaya dhaawaca Guddoomiyaha degmada Wadajir ee ka soo gaaray Qaraxaasi.

Inta badan Masuuliyiinta Maamulka degmada Wadajir ayaa ku sugnaa xilliga weerarku dhacayay Xarunta degmadaasi.

Waxaana degmada la sheegay in gebi ahaan ay ku basbeeshay Qaraxa lala beegsaday.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here