Kismaayo (Sh M Network)—Maamulka Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu soo dhigay ugu yaraan 10 Ruux oo kaluumeysi sharci darro ahaa ka waday biyaha Jaziirada Kudhaa.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubaland, Cabdinuur oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sheegay in ragaasi lagu qabtay Jaziirada Kudhaa.

Wasiirka ayaa intaasi waxuu ku daray in 8 ka mid ah kaluumeysatadasi ay ka soo jeedaan Dalka Pakistaan, haatana ay ku xiran yihiin Magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn, waxuu Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Jubaland ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Maamulkooda aysan u dulqaadan doonin in kaluumeysi sharci darro ah laga sameeyay biyaha Jaziirada Kudhaa.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here