Baladweyne ( Sh. M. Network)-Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku soo warramaya in dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ay tiro Madaafiic la bartilmaamsadeen Xarun Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin Magaalada Baladweyne.

Taliye ku xigeenka Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne Col Nuur Xasan Bidaar oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in Al Shabaab tiro Madaafiic ah oo ay ka soo rideen duleedka Magaalada Baladweyne ay la beegsadeen Saldhig Ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin Xaafadda Howlwadaag ee Magaaladaasi.

Sidoo kale Taliye ku xigeenka ayaa intaas ku daray in Ciidamada Jabuuti iyaguna Madaafiic u muuqday Jawaab ay ku garaaceen Duleedka Magaalada Baladweyne oo Madaafiicdaasi looga soo  tuurayay.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro la Bartilmaamsada Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Baladweyne iyo qeybaha kale ee Gobolka Hiiraan.

Lamana oga khasaaraha ka dhashay Madaafiicda labada dhinac ay isku weedaarsadeen Magaaladaasi Baladweyn iyo duleedkeeda.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here