Garbahaareey (Sh M Network)—Maamulka Gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyay Qarax khasaaro geystay oo Ciidamada Dowladda Kenya lagula eegtay Degaanka Walcadeey oo qiyaas ahaan 180Km u jira Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee Maamulka Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Qarax uu ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso islamarkaana lagu beegsaday kolonyo ay wateen Ciidamada Kenya.

Guddoomiyaha ayaa waxuu xaqiijiyay in Qaraxaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 2 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Xooga ee Dalka Kenya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Ciidamada Qaraxa lagu beegsaday ay ku sii jeedeen Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Qarax miino oo lala eegtay Gaadiid Dagaal oo ay wateen Ciidamada Kenya.

Warbaahinta ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab ayaa baahiyay in Qaraxan lagula eegtay Ciidanka Kenya Degaanka Garileey oo u dhow Magaalada Wajeer.

Waxaa Xarakada ay sheegteen in Qaraxaasi ay ku dileen ugu yaraan 9 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Kenya islamarkaana ay ku dhaawaceen 4 kale.

Dhaawaca Askarta Kenyaanka ah ayaa sida la tilmaamay waxaa loo duuliyay Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi, si halkaasi loogu soo dabiibo.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda Kenya oo ku aadan Qaraxyadan siyaabaha kala duwan loogu beegsaday Kolonyo ay wateen Ciidamada Xooga ee Dalkaasi Kenya.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here