Geneva ( Sh. M. Network)-Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ayaa sheegtay  in ay sii kordheen Qaxootiga Caalamka tan iyo 2016-kii , marka loo eego intii u dhexeysay sanadihii 2010-2015.

Qaxootiga Caalamka ayaa haatan gaaray 65.6 Million oo qof , halka 2010-2015 ay ka ahaayeen 10.3M- 12.4  Million kaliya.

Waxaana Dowladaha  ugu badan ee dadkaasi ay ka soo jeedaan kala yihiin, Somalia , Eretria , Sudan , Koofurta Sudan Afghanistan , Burundi , Rwanda , Syria , Ethiopia , Kongo , Africa-d dhexe , Burma.

Dadkaan ayaa qaarkood dib u dajin ka helay Dad u badan Wadamada Loo yaqaanno Reer Galbeedka taas oo ay gacan ka geysatay Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here