Muqdisho ( Sh.M.Network)-Tartamayaasha degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ayaa xalay u soo gudbay Wareega Sama Final-ka Tartan Aqooneedka Shabelle ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Xamarweyne ayaa si dirqi ah kaga adkaatay Tartamayaasha degmada Shibis ee Gobolka Banaadir , waxaana uu ku soo dhamaaday Tartan Xiiso leh oo xalay labada degmo dhexmaray , Shibis oo keensatay 10 dhibcood iyo Xamarweyne oo la timid 12 Buundo.

Sidaas daraadeed Xamar Weyne ayaa waxaa u suura gashay in Wareega  Afar dhamaadka Tartanka Shabelle ay u gudubto halka , Shibis-na ay Tartanka isaga hareen.

Waxaa Caawa lagu wadaa in ay tartamaaan degmooyinka Yaaqshid iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo mid ka mid ah la filayo in ay u soo gudubto Wareega Sama Finalka Tartan Aqooneedka Shabelle.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here