Muqdisho ( Sh.M.Network)-War Iminka naga soo gaaray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Diyaarad yar oo aan weli la shaacin nuuceeda iyo heebteeda uu dab ku qabsaday Garoonkaasi.
Diyaaradda ayaa la sheegay in ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde islamarkaana Cilad soo food saartay aawgeed Garoonka dib ugu soo laabatay iyadoona durba uu dab ka kacay.
Ma cadda Khasaaraha ka dashay dabkaasi ka kacay Diyaaradda Caawa ku gubatay Gudaha Garoonka Aaddan Cadde.
Xiriiro aan la sameynay Saraakiisha iyo Masuuliyiinta Garoonka Aadan Cadde ayaan inoo suura galin xilliga oo habeen ah aawgeed.
wixii ku soo kordha kala soco shabellenews.com

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here