Muqdisho (Sh M Network)—Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa waxuu ka hadlay habka lagu heli karo maqaamka Muqdisho.

Wasiirka ayaa bartiisa Facebooga soo dhigay in maqaamka Magaalada Muqdisho ay raadin karaan helitaankeeda Baarlamaanka iyo Hay’addaha Dowladda Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Wasiir Yariisoow waxuu tusaale u soo qaatay Magaalada Madrid, Spain, ay tahay Dowlad Goboleed lagu magacaabo Madrid islamarkaana leh Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo u gaar ah.

Ugu dambeyn, Waxuu carabka ku adkeeyay in maqaaka Muqdisho ay ku imaan karto oo kaliya nimaad kala dambeyn leh iyo Dowladnimo.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here