Muqdisho ( Sh.M.Network)-Tartamayaasha degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ayaa xalay xaqiijiyay in ay u soo gudbaan wareega 4 dhamaadka ee Tartan Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo ay qabato Shabelle.

Degmada Yaaqshid ayaa Afka ciida u dartay Dhigooda Tartamayaasha degmada Cabdicasiis oo degmooyinka ugu fir fircoon xagga Aqoonta Gobolka Banaadir ka ka mid ah.

Illaa iyo haatan waxaa xaqiijiyay in wareega Sama-Final-ka Tartanka Shabelle u soo gudbaan degmooyinka kala ah Waaberi,Xamar Weyne iyo Yaaqshid.

Caawa ayaa la filayaa in Tartan Xiiso leh uu dhexmaro degmooyinka kala ah Dharkeynleey iyo Wadajir.

Labadaan degmo oo daris ah ayaa waxaa ka dhexeeyay Xifaal xagga aqoonta ah waxaana ka wada dhur sugi doonaa haddii allaha awooda leh uu ka raali noqdo ciddii u soo gudubta Wareega Sama-Finalka labadaasi degmo ee caawa Tartanka u madlan.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here