Dhoobleey (Sh M Network)—Ciidamada Maamulka Degaanka Dhoobleey ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo la doonayay in laga gudbiyo Xuduudka Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Degaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose, Heybe Axmed ayaa waxuu sheegay in Ciidamada amaanka ka hortageen gaarigaasi lagu soo raray waxyaabaha qarxa.

Taliye Heybe Axmed ayaa waxuu tilmaamay in labo Ruux oo la socday Gaariga xabsiga la dhigay, maadaama sida uu sheegay ay doonayeen in Gaarigaasi ay geeyaan Dalka Kenya.

“Waxaa haatan xiran labo qof, kuwaasi oo waday Gaarigan laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaa la doonayay in Gaarigaasi lagu weeraro Dalka Kenya oo dhawaan ay ka dhici doonto Doorasho Madaxtinimo”, ayuu yiri Taliyaha.

Waxaa weli socdo howlgallo baaritaano ah oo ku aadan labadan ruux oo waday Gaarigaasi lagu qabtay Degaanka Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose.

Dalka Kenya ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay Weeraro kala duwan kuwaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo weeraradaasi ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here