Muqdisho ( Sh.M.Network)-Hooyadani Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Fardooso Cali Ismaaciil ayaa ka cabaneysa Dhul Boob  uu ku hayo Nin Magaciisa ay ku sheegtay Yaasiin Maxamed Sheekh loona yaqaanno ( Yaasiin Dhagool), isagoo ka helaya Nin kale oo ka caawiya sameynta docomentiyo been abuur ah oo uu ku sheeganayo dhulkaas laguna Magacaabo Baashi Xabiib Aba Nuur.

Waxa ay Tilmaamtay Hooyo Fardooso Cali Ismaaciil in muddo 2 sano ah ay dhibane u ahayd shaqsiyaadkaas oo boobaya dhulkeeda ay sharciga u heysato, iyagoo u adeegsanayay  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale Hooyo Fardooso Cali Ismaaciil ayaa ku cataawday in dadka boobaya dhulkeeda ay heystaan dhaqaalo ay u adeegsanayaan in aysan gar uga helin sharciga iyadoo ka dhawaajisay in Xaakimkii kiiskeeda ku shaqada lahaa ay u iibiyeen Gaari cusub oo illaa haatan sida ay tiri uu ku naaloonayo.

Hooyo Fardooso Cali Ismaaciil ayaa intaas ku dartay in kadib markii Garsoorku  garowsaday in dhulkeeda ay sharci ahaan iyadu leedahay hadana ay Kiiskeeda dib u fureen Garsoore lagu Magacaabo Cabdiraxmaan iyo weliba Maxamed Xasan oo ah Xeer Ilaaliye ku xigeenka taasina ay tahay qorshe kale oo hantideeda lagu baneysanayo.

Sidaas daraadeed ayaa Hooyadani Soomaaliyeed waxa ay ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre, labada aqal ee Baarlamaanka iyo dhammaan hey’adaha Cadaaladda dalka in ay soo fara geliyaan arrinteeda islamarkaana dadkaas awooda dhaqaale iyo tan dowladeed u sheeganaya laga celiyo.

Cabashada Hooyo Fardooso Cali Ismaaciil ayaa imaaneysa xilli Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wacad ku maray in dowladdiisa aysan aqbali doonin Cadaalad darro  ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmaan Hay’adaha Garsoorka dalka isagoona ballan qaaday in isbedel la taaban karo ay bulshadu ka dareemi doonaan Hay’adaha Garsoorka Soomaaliyeed.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here