Afgooye ( Sh.M.Network)-Iyadoo weli Xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Buulo-Yareey ee duleedka degmada Afgooye oo shalay ay ku dagaalameen Labo maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa dagaalkaas baaq Nabadeed ka soo saaray Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ayaa ugu baaqay Beelahaasi walaalaha ah oo ku wada dagaalamay deegaanka Buulo-Yareey in si Shuruud la’aan ah ay u joojiyaan Dagaalka .

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay gacan ka geysan doonaan daminta Colaadaasi ka soo cusboonaatay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

Colaadaan dagaal ee ka soo cusboonaatay deegaanka Buulo-Yareey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa timid kadib markii Beelahaasi Walaalaha ah ay isku fahmi waayeen dhul Beereed ku yaalla deegaankaasi.

Xiisad beeleedkaas ayaa weli laga dareemayaa saan saanteeda deegaanka Buuloyareey oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here