Marka ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Ibraahim Najax oo u warramayay idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay Dagaal Khasaaro geystay oo Ciidanka dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa Midowga Africa iyo Al Shabaab ku dhexmaray degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada huwantu weerar kula kowsadeen dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab oo ku sugnaa qiyaastii deegaan 2 km un u jira degmada Qoryooleey kuwaas oo la sheegay in ay weerar ku soo ahaayeen degmadaasi Qoryooleey sida uu tilmaamay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in Dagaalkaas uu ka dhashay Khasaaro soo kala gaaray labada dhinac isagoo tibaaxay in dhankooda 1 Askari oo Booliska degmada Qoryooleey ka tirsan uu kaga dhaawacmay dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu intaas ku daray Guddoomiyuhu in ay jiraan khasaaro dagaalkaas ka soo gaaray Al Shabaab ayna kaga dhinteen 3 Dagaalyahan islamarkaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dagaalamayaashaasi.

Guddoomiye Najax ayaa dhinaca kale qeexay in Gobolka Shabeelaha hoose oo ah Gobol aad u baaxad weyn qeybo badan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin Al Shabaab islamarkaana ay degan yihiin hoggaamiyayaal Al Shabaab ka tirsan sida uu yiri isagoo cadeeyay in Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose ay yihiin kuwa aan awood u lahayn in ay gebi ahaan ka sifeeyaan Gobolkaas loona baahan yahay Ciidan ku filan oo qalabkoodu u dhan yahay.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here