Muqdisho ( Sh. M. Network)-Xiili maanta uu yimid qadka  Viber Obtica ee Internetka Xawaarihiisu Sarreeyo oo ku dhawaad sedex 7aad ka maqnaa Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay baaq ugu jeedisay Shirkadaha Isgaarsiinta Gaar ahaan kuwa ka shaqeeya adeega Internetka in ay keenaan Cabello kale si haddii mid ka mid ah Cilad ugu timaadi loogu baxsado kuwa kale.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada Cabdi Canshuur Xasan oo maanta Shir Jara’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa shaaca  ka  qaaday in Khasaaro dhaqaale uu geystay Maqnaashaha Internetka kaas oo saameeyay qeybaha kala duwan sida Ganacsiga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada dowladda.

Waxaana uu soo jeediyay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay u banaantahay fursado ay ku maal gashanayaan qadka Internetka si aan loogu tiirsanaan hal qad oo kaliya.

Dhinaca kale Wasiir Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaaca ka qaaday in guddi loo saari doono si ay ugu kuur galaan khasaaraha guud ee ka dhashay Maqnaashaha Internetka oo saameyn baaxad leh ku reebay hay’adaha dowladda Soomaaliyeed iyo kuwa Bulshada intaba.

Waxanaa uu ka dhawaajiyay in mudada Internetku maqnaa aanu soo bixin wax Baasaboor ah.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa Magalaada Muqdisho waxaa ka jirtay Internet la’aan baahsan xilli adeega Internetka ay ku tiirsan yihiin inta bulshada Muqdisho , waxaana maanta si rasmi ah u soo laabtay Internetkaas kadib dadaallo badan oomuddooyinkii dambe lagu bixinyay Xariga Go’ay ee Internetkaasi.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here