Muqdisho ( Sh. M. Network)-Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa cadeeyay in Qaladaad uu ka dhex jiro Garsoorka Dalka.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa qiray in  Cadaalad darro iyo Qaladaad baahsan uu ka dhex jiro Garsoorka Dalka.

Waxaana uu sheegay in arrimahaasi iyo Qaladaad fara badan ay Garsoorku faraha kula jiraan sida uu hadalka u dhigay.

“ Tallaabo Sharciga waafaqsan ayaan ka qaadi doonaa haddii ay sii wadaan shaqsiyaadka dhibaatadaasi ku haya Garsoorka ” ayuu yiri Dr Axmed Cali Daahir.

Dhinaca kale Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa wax aan saameyn lahayn ka soo qaaday cabashada qaar ee dadka ay ka jeedinayaan Warbaahinta isagoona intooda badan ku tilmaamay kuwa aan lahayn sal qaanuuni ah sida uu hadalka u dhigay.

Garsoorka dalka ayaa inta badan qeybaha bulshadu ka muujiyaan cabashooyin ku aadan Cadaalad darro ka dhex jirta.

 

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here