Afgooye ( Sh. M. Network)-Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Buula Yarey oo 5 KM dhinaca waqooyi ka xigta degmada Afgooye ayaa ku soo waramaya in wali ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxaysa laba maleeshiyo beeleed oo wada daga degaankaas oo shalay ku dagaalamay halkaasi.

Xaaladda deegaanka Buula Yarey ayaa wali  kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in markale dagaal uu ka qarxo, maadaama ay is hor fadhiyaan maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaankaasi, islamarkaana aysan jirin ilaa iyo haatan xal laga gaaray xiisadaasi ka soo cusboonaatay Degaanka Buula Yarey ee hoosyimaada degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxgaradka deegaanka Buula Yarey ayaa ugu baaqay maleeshiyaadka ku dugaalamaya deegaankaasi  in ay dagaalka joojiyaan, islamarkaana wax kasta ay ku dhameeyaan wada hadal, si loo soo afjaro xiisada deegaanka Buula Yarey.

Maamulka degmada Afdgooye ayaa la sheegay in uusan ku bixin xiisadaasi dagaal ee ka taagan duleedka waqooyi ee degmada Afgooye, waxaana maamulka dadka deegaanka ay ku  eedeeyeen in ay indhaha ka laabteen wax ka qabashada coladaasi ka soo cusboonaatay deegaanka .

Saaan saan colaadeed ayaa saakay laga dareemayaa deegaanka Buuula Yarey oo ay shalay ku dagaalameen laba maleeshiya beeleed, waxaana waxyeelo dhimasho iyo dhawac ay ka soo gaartay dadka shacabka ee ku nool deegaankaasi oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Afgooye.

Gobolka Shabeellaha Hoose ee hoostaga maamulka Koonfur Galbeed  waxaaa si aad ah ugu soo laa laabta dagaal beeleedyada ka dhaca gobolkaasi, waxaana siyaabooyin kala duwan gobolka ugu dagaalama maleeshiyo beeleed wada daga Shabeelaha Hoose, dagaaladaas oo saameyn xooggan ku yeeshay dadka deegaanka.

Soo Dhiibo Fikirkaada, Waa Inoo Muhiim

Please enter your comment!
Please enter your name here